Ku Saabsan

Buundada Aqoonta

Taqriib waxay kuu keenaysaa waxbarasho heer caalami ah oo ku saabsan Carabiga iyo Quraanka, iyadoo adeegsanaysa tiknoolajiyad casri ah oo la heli karo.

Baro meel kasta oo aad joogto!

Kuwamaannu nahay?

Taqriib waa hay’ad waxbarasho oo u heellan faafinta aqoonta Shareecada iyo baridda Qur’aanka kariimka ah, iyada oo ka faa’iidaynasa kuna shaqeynaysa tiknooloojiyadda casriga ah.

Yaa ka faa’iidaysan kara?

Waxaa barnaamijkan ka faa’iidaysan kara qof kasta oo Soomaali ah oo danaynaya inuu ka baxo jahliga diineed, sida: ardayda dugsiyada iyo jaamacadaha, shaqaalaha, hooyooyinka, iwm.

Qaabkee casharrada loo qaadanayaa?

Casharrada waxaa loo qaadanayaa hab fogaan-arag ah (Online), iyada oo isbuuc walba la qaadanayo 7 cashar oo ku salaysan tirada maaddooyinka, 7-dii cashar oo kastana waxaa ka danbeeya su’aalo iyo imtixaan laga qaadayo ardayda.

Casharro maqal iyo muuqaal ah

Casharrada barnaamiijkan horay ayaa loo diyaariyey (muuqaallo duuban), waxaana diyaariyey macallimiin aqoon xeeldheer u leh maaddooyinka ay sharraxeen.

Laylisyo joogta ah (activities)

Waxaa la socon doona waxbarashadan nidaam dabagal iyo laylisyo joogta ah oo lagu qiimaynayo tayada iyo dadaalka ardayga barnaamijkan ku taxan.

Kulammo bille ah

Barnaamijkan waxa uu leeyahay kulan bille ah oo lagaga jawaabo wayddiimaha ardayda, lagu siiyo talooyin, lagulana socdo habsami-u-socodkooda waxbarasho.

Aragtidayada

Hoggaaminta waxbarashada Sharciga ah, hab online ah oo dabooli kara baahida bulshada Somaliyeed meel kasta oo ay joogto.

Himiladayada

Bixinta waxbarasho tayo leh, online ah isla markaana si fudud loo heli karo

Qiyamkayaga

Tayo

Ilaalinta Tayada waxbarasho.

Daacadnimo

u hagarbaxa ardayga si uu u helo waxbarasho daboosha baahidiisa.

Kalsooni

Dhawridda ballanta iyo heshiisyada.

Hal-abuur

Ka faa'iidaysiga tiknoolajiyadda si waxbarashadu u noqoto mid wanaagsan.

Bilow Safarkaaga

Ku biir bulsho caalami ah oo arday ah maanta.